Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Gariley

Dabley la rumeysanyahay in ay ka tirsanyihiin kooxda Al-shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weeraray deegaanka Gariley ee gobolka Gedo oo ku dhaw xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Weerarkaasi waxaa lagu dilay taliyihii ciidanka dawladda ee Gariley iyadoo dhawr gaarina lagu gubay.

Haddaba waxaanu arrintaa ka wareysannay gudoomiyaha magaalada Ceelwaaq ee ay ka tirsan tahay degmada Gariley, Ibraahim Guuleed Aadan, oo u warramay weriyaha BBC-da ee Muqdisho, Ibraahim Maxamad Aadan, oo marka hore weydiiyay sida uu u dhacay weerarka lagu qaday Gariley.