Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Suuqyada saamiyada ee Bariga Dhexe oo aad hoos ugu dhacay

Suuqyada Saamiyada ee Bariga Dhexe ayaa hoos aad ugu dhacay kaddib todobaad adag oo soo maray suuqyada saamiyada ee caalamka.

Suuqa saamiyada ee Dubai ayaa hoos u dhacay boqolkiiba 7, halka midka Sacuudiguna uu hoos u dhacay boqolkiiba 7, kaddib markii wakaaladda Fitch ee saadaaliso kobaca dhaqaalaha ay sadaalisay hoos u dhac weyn.

Shirkadaha maalgashiga ayaa walaac ka muujiyay hoos u dhaca dhaqaalaha Shiinaha iyo saameynta uu ku yeeshay dhaqaalaha caalamka.

Haddaba dhaqaalahan dunida ee sii xumaanaya maxaa u sabab ah? Su'aashaas iyo kuwa kalaba waxa uu Cabdifitaax Ibraahim Cagayare hordhignay Prof Cabdi Daahir, oo ka faalooda arrimaha dhaqaalaha.