Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Somaali tahriib ah oo lug ku maray dhowr dal oo Yurub ah

Kumannaan muhaajiriin ah ayaa dib u bilaabay safarka ay ku gaarayaan waqooyiga Yurub iyagoo sii maraya Macedonia iyo Serbia kaddib markii ay Macedonia dib u furtay xudduuda uu dalkeeda la wadaago Giriigga.

Muhaajiriin badan ayaa maalmo waxa ay ku xayirnaayeen xudduuda kaddib markii ay Macedonia shaacisay in ay xaalad degdeg ah ku soo rogtay gobolladeeda qaar ayna xirtay baraha la isaga kala gudbo.

Axaddii ayey u suuragashay dadkaasi in ay tareenno iyo basas u raacaan dhankaa iyo waqooyiga dalkaas ee xudduuda uu la wadaago Serbia.

Khadar Cabdullaahi Cismaan, oo dalka Germalka jooga, waxa uu horay u maray dalkaasi Macedonia, Faarax Lamaane ayuu uga waramay wadadaasi iyo dhibaatada uu safarkaasi kala kulmay.