Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaali lagu xiray Angola iyo kuwa kale oo dhuumayli ku jira

In kabadan 30 qof oo Soomaali ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ku jiraan xabsiyada dalka Angola kaddib markii ciidamada ammaanka ay ka soo taxaabeen goobahooda ganacsiga.

Soomaalidan ayaa lagu soo qab-qabtay hawlgal booliska dalkaasi ay ku bartilmaameedsanayaan dadka soo galootiga ah ee aan sharciga ku joogin dalkaasi.

Kooxaha xaquuqul insaanka ayaa in dhawaalaba ku eedeynayay booliska dalkaasi Angola in ay si xun ula dhaqmaan dadka soo galootiga ah, si bey yirahdeen ay uga hortagaan muhaajiriinta ku sii qul-qulaya dalkaasi.

Haddaba Maxamud Maxamed Amiin (Qoobeey) waxaa uu ka mid yahay Soomaalida ku nool dalkaasi, waxaa uuna khadka telefoonka ugu warramay Maxamed Cabdiraxman Sheekh.