Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xabaal-wadareed laga helay duleedka Hargeysa

Biyo Shiinaha oo ah meel 13 KM dhanka waqooyi ka xigta magaalada Hargeysa, ayaa waxaa shalay lagu qabtay munaasabad dib loogu aasay 42 qof oo dumar iyo caruur u badan, kuwaas oo meydadkooda laga helay xabaal-wadareed.

Meydadka ayaa goobtaasi laga helay xilli la dhigayay tuubo cusub oo biyaha keeneysa magaalada Hargeysa. Waxaa la rumeysan yahay in ay ku dhinteen duqeyn cirk ah, waqtigii dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya 1988..

Yuusuf Cabdi Gaboobe oo goob-joog ahaa dagaalladii Hargeysa ee 1988-dii, shalayna ka qayb galay aaska dib loogu aasay meydadkaasi ayaa u warramay weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige.