Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Bandhigga buugaagta ee Muqdisho oo ay dhalinyaro ka qeyb galayaan

Magaalada Muqdisho ayaa maanta markii ugu horraysay muddo ka badan 20 sano waxa ay martigalinaysaa Bandhigga Buugaagta.

Bandhigan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa waxaa ujeedadiisa lagu sheegay dib u soo noolaynta suugaanta iyo luuqadda Soomaaliga.

Waxaana ka qeyb galaya dadka leh hal abuurka, dadkaasi waxaa ka mid ah Warsame Cumar Xuseen oo ah qoraa markii ugu horaysay ka qeyb qaadanaya bandhig buugaagta ah.

Khadka taleefanka ee Muqdisho ayuu ugu warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare oo marka hore waydiiyay bal inuu sheego waxa uu bandhiggan kaga qeybgalayo?