Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xaaladda soogalootiga Jarmalka oo sii adkaaneyso

Madaxweyne Obama ayaa waxa uu taleefanka kula hadlay hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel, si uu uga mahadceliyo waxa uu ugu yeeray hogaaminteeda ku aadan la tacaalidda dhibaatada soogalootiga ee Yurub.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in macna gaar ah ay sameynayso in Jarmalku uu gabbaad siiyay qaxootiga Suuriya.

Jarmalka ayaa dhawaan sheegay in uu filayo ilaa iyo 800 oo kun oo qof oo magangalya doon ah ay dalkaasi sanadkan gaari doonaan, ayna xaaladdaasi la tacaali doonto.

Haddaba magaalada Bitafen ee Jarmalka waxa ay u dhawdahay meesha ay ka dhaceen qalalaasaha loogaga soo horjeedo soogalootiga, Khadar Cadaawe Qooje, waa Soomaali qaxooti ku ah magaaldaasi waxa uu u warramay Raage Xasan.