Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Haweenka oo ka dhex muuqda Bandhigga Buugaagta Mudqisho

Waxa maalintii labaad galay bandhiga caalamiga ah ee buugaagta ee ka socda magaalada Muqdisho.

Bandhigan ayaa waxaa aad uga dhex muuqanayay dumarka leh hal abuurka islama markaana qora buugaagta arrintaas oo ah mid ku cusub Soomaalida.

Sahro Axmed Kooshin iyo Muno Maxamad Diirshe waxa ay ka mid yihiin gabdhaha halkaasi kusoo bandhigay buugaagta ay qoreen.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho, Ibraahim Maxamad Aadan, ayaa wareystay labadaasi qoraa waxa uuna marka hore su'aasha ku bilaabay Sahro Axmed Kooshin oo uu waydiiyay bal waxa ay la timid bandhiga caalamiga ah ee buugaagta ee Muqdisho.