Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qoraa da'yar oo ka soo dhex muuqday bandhigga buugaagta Muqdisho

Bandhigga buugaagta ee maalintii sedexaad galay magaalada Muqdisho, ayaa lagu soo bandhigay buugaag badan oo ay qoreen qorayaal Soomaali iyo ajnabiba leh kuwaas oo lagu qoray afaf ay kamid ahaayeen Soomaaliga, Carabiga, iyo English.

Hayeeshee dad badan oo bandhigaasi ka qaybgalay waxa ka yaabsaday wiil yar oo fasalka 1aad ee dugsiga sare ku jira oo kamid noqday qorayaasha buugaagtooda lagu soo bandhigay carwada.

Wiilkaasi waxa la yiraahdaa Abuukar Cabdulaahi Maxamad waa lix iyo toban jir, waxa uu dhigtaa dugsiga sare ee SYL ee magaalada Muqdisho, wuxuuna qoray lix buug.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayaa kula kulmay qoraaga yar ee Abuukar halka uu ka socdo bandhigga buugaagta ee Muqdisho, wuxuna marka hore weydiiyay buugga uu kaga soo qeybgalay bandhigaasi.