Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaali u dalxiis tagtay dalka Senegal

Dalka Senegal waxa uu ka mid yahay dalalka xasiloon ee qaaraddan Afrika ee loo dalxiiska tago.

In kasta oo dalxiisku uu hoos u yara dhacay sanadihii u danbeeyay markii Cudurka Ebola uu ka dilaacay dalal ka tirsan Galbeedka Afrika hadana Senegal waxaa ay mar kale soo jiidanaysaa dalxiisayaal badankood ka imanaya dalalka reer Galbeedka.

C/qani Axmed Maxamuud oo ah nin Soomaali ah muddo dheerna ku noolaa dalka Jarmalka ayaa ka mid ah dadka xilligan dalxiiska u tagay Senegal.

C/qani iyo xaaskiisa oo Jarmal ah ayaa waxaa magaalada Saly kula kulmay weriyaha BBCda ee Muqdisho, Maxamed Ibrahim Macalimuu, oo tababar shaqo u jooga Senegal waxana uu ka wareystay sida uu ahaa dalxiiska ay ku joogaan dalkaasi.