Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Faarax Dawaare oo dad la la'yahay ka hadlay

Caalamka waxaa maanta laga xusayaa maalinta dadka lawaayo ee xoogga lagu kaxeysto.

Dalkan Kenya waxaa jira dhalinyaro badan oo Muslim ah, kuwaasi oo la la' yahay meel ay jaan iyo cirib dhigeen kaddib markii ay latageen rag lagu tilmaamay in ay boolis isku sheegeen.

Maanta waxaa Nairobi ka dhacaya kulan ay yeelanayaan Muslimiinta, gaar ahaan ganacsatada, qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo hay'addaha u dooda xuquuqul insaanka, kaas oo looga hadli doono arrinta dhalinyarada la la' yahay.

Faarax Macalin oo ka mid ah siyaasiyiinta ka qeyb galaya shirkaasi ayaa Maxamed Cabdiraxman u warramay.