Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Nigeria: Doomo tagaasi ahaan loo adeegsado

Qaaradda Afrika ayaa waxaa ku yaalla magaalooyinka ugu dadka badan, isla markaana ay ka dhacaan shilalka ugu badan ee ay dadka ku dhintaan.

Shilalka gawaarida ayaa la filayaa in ay kordhaan, sida uu Bangiga Adduunka sheegayana, marka la gaaro sanadka 2030-ka dadka ku dhinta shilalka gawaarida ayaa ka badan doona kuwa u dhinta xanuunka Malaariyada.

Todobaadkan, BBC-da qeybaha la hadla Afrika ayaa ka warrami doona dhibaatada shilalka wadooyinka iyo sida wax looga qaban karo.

Waxaan maanta ku bilaabeynaa warbixin ku saabsan gaadiidka magaalada Lagos, Nigeria iyo sida qaar ka mid ah dadka magaaladaasi ay doonyo tagaasi ah ugu raacaan goobahooda shaqada. Weriyaha BBC Sam Olukoya ayaa warbixintan ka diyaariyay, Farax Lamane ayaa soo jeedinaya.