Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xawilaadaha oo xal waara loo raadinayo

Ninka aqalka cad ee wadanka Maraykanku uu u xilsaaray xal u helida xawilaadaha Soomaalida, ahna ku xigeenka xoghayaha maaliyayada wadanka Maraykanka Adam zupin, ayaa shir kula yeeshay magaalada Minneapolis masuuliyiin ka socda Xawilaadaha Somalida, Madaxda Bangiyada, hay'addaha gargaarka ee aan dawliga ahayn iyo qaar ka mid ah Madaxda gobolka laga Soo doorto. Kulank, ayaa lagaga wada hadlay qaabka ugu haboon ee xawilaadaha soomalidu ku sii soconkaraan iyo kaalinta laga qaadankaro.

Cabdiaziis Maxamad Sugule, waa gudoomiyaha urur ay ku bahoobeen xawilaadaha Soomaalida ee ku yaala wadaka Maraykanka oo looyaqaano SAMSA. wuxuuna hor kacayay dadkii kulankaasi uga qaybgalay xawilaadaha Somalida.

Wariyaha BBC Mohamed Haji Hussien, ayaa waraystay kulanka kadib.