Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Saamaynta hoos u dhaca lacagta Kenya

Lacagta dalka Kenya ayaa sii qiimo beelaysa marka loo eego doolarka, arrintaas oo sare u qaaday qiimaha Alaabada laga keeno dibadaha oo uu raashinku u horeeyo.

Dalal badan oo Afrikaan ah lacagahooda ayaa sidoo kale hoos u dhacay iyada oo suuqyada saamiyada ee caalamkuna aysan daganayn kaddib markii hoos u dhac laga dareemay suuqyada Shiinaha.

Haddaba arrimahaasi sideey u saameeyeen ganacsatada Nairobi iyo waliba macaamiishooda, weriyaha BBC-da Axmed Xaaji Xasan ayaa warbixintan ka diyaariyay.