Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Sweden: Dibadbax lagu soo dhaweynaayo qaxootiga

In ka badan 25 kun oo ah muwaadhiniinta Sweden ayaa maanta la filayaa in ay caasimadda dalkaasi ee Stockholm ka dhigaan dibed bax ay ku taageerayaan qaxootiga soo gaaray qaaradda Yurub.

Dibad baxa oo loogu magac daray 'Refugees welcome' oo micnaheedu yahay "soo dhawaada qaxootiga" ayaa waxaa sidoo kale lacago loogu ururin doonaa muhaajiriinta dhibaateysan ee kusoo qulqulaya Yurub.

Cabdi Caddow waa xubin ka tirsan dhaqdhaqaaqa codka qaxootiga Yurub, khadka telefoonka ee Sweden ayuu iigu warramay.