Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ciidan cusub oo lagu tababarayo Muqdisho

Waxaa caasimada Muqdisho gaar ahaan dugsiga tababarka booliska jeneraal Kaahiye tababar looga furay boqolaal boolis cusub ah oo ay dhawaan qoratay dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Dufcadan hadda tababarka loo furay ayaa waxaa ka mid ah gabdho, kuwaasi oo sheegay in ay si lamid ah ragga diyaar u yihiin u adeegida bulshada.

Warbixin ku saabsan dhalinyaradaasi dhibowga ku jira waxaa Muqdisho inooga soo diray weriyaha BBC Maxamed Ibraahim Macalimu.