Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ciyaaraha legdinta ee lagu qabanayo dalka Senegal

Horyaalka caalamiga ah ee lagdinta ayaa Isniintii shalay ahayd waxa uu ka furmay magaalada Las Vegas ee dalka Mareykanka.

Waxaa tartaankaasi ka qeyb qaadanaya hal gabar Senegal u dhalatay, oo ay rajeyneysa in ay ugu soo baxdo ciyaaraha Olympic-da ee sanadka soo socda lagu qaban doono magaalada Rio de Janeiro ee caasimadda dalka Brazil.

Dalka Senegal waxaa caan ka ah tartanka lagdinta, balse haweenka dalkaasi ayaanan inta badan ka qeyb qaadan, oo fursada keliya ee ay ugu tartami karaan lagdinta ayaa ah ciyaaraha Olympic-da.

Weriyaha BBC ee Senega,l Raïssa Loussouf ayaa warbixintan ka diyaarisay, waa kan Axmed Cabdinur oo soo jeediya.