Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Somaliland: Masaari daawaynaysa bukaanka

Cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa waxaa maalmahanba hawlgal caafimaad oo lacag la'aan ah ka waday dhakhaatiir ka yimid dalka Masar. Dad laba kun ah ayaa is diiwaangeliyay in baaritaanno caafimaad, qalliin iyo daaweyn ay u fidiyaan dhakhaatiirtaasi Masaarida ah.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa tegay cisbitaalka oo la hadlay dadka bukaan socodka ah, dhakhaatiirta Masaarida qaarkood, iyo masuuliyiinta cisbitaalka guud, kadibna warbixintan nooga soo diray.

Dhaqaatiirta ayaa ku taqatustay qaliinka guud, qaliinka lafaha, qaliinka cunaha, dhagaha iyo sanka, daawaynta cudurada dumarka iyo kaadi mareenka.