Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhimashada carruurta adduunka oo hoos u dhacday

Warbixin cusub oo ay si wada jir ah u soo saareen hay'ado ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in ku dhawaad kala bar ay hoos u dhacday tirada carruurta ay da'dooda ka yartahay shanta sano ee dhinta markii loo eego heerkii ay aheyd sanadihii 1990-kii.

Haseyeeshee Qaramada Midoobay waxa ay warbixintan ku sheegtay in carruurtu ay weli u dhintaan cudurro laga hortagi karo.

Haddaba waa sidee xaaladda dhallaanka Soomaaliya, su'aashaasi iyo kuwa kale ayaan u bandhignay Dr. Cabdiqani Sheekh Cumar; Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya, waxa uu u warramay weriyaha BBC Xasan Cali Geelle.