Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Eedda Human Rights Watch ee Suudaan maxay uga dhigan tahay Al-Bashiir?

Hay'adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ku eedaysay ciidammada gaarka ah ee dalka Suudaan in ay dilal iyo kufsi ka dhan ah dad rayid ah ka gaysteen gobolka Daarfuur tan iyo bishii Febraayo ee sanadkii hore.

Hay'adda ayaa warbixin cusub oo ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in ciidamadaasi gaarka ah ay gaboodfallo ka geysteen laba tuulo oo ku yaalla galbeedka dalkaasi.

Haddaba eedeymahan cusub maxay uga dhigan yihiin madaxweynaha Suudaan, Cumar Xasan Al-Bashiir, oo ay horayba u doondoonaysay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee ICC-da?

Dr Ibraahim Faarax Bursaliid, oo ah khabiir ka faalooda arrimaha caalamka ayaa arrintan waxaa ka wareystay Cabdifitaax Ibraahim Maxamed (Cagayare).