Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qurba joogta iyo caqabadaha ka haysta af-soomaaliga

Soomaalida qurba joogta ah ayaa inta badan la sheegaa in ay ka lunto luuqadooda hooyo, sababta ugu weyna waxaa lagu sheegay iyagoo la qabsada luuqadaha qalaad ee dalalka ay ku nool yihiin.

Arrintaasi ayaa saameynta ugu badan waxa ay ku yeelataa carruurta ku dhalata ama iyagoo yar la geeya qurbaha, halkaana wax ku barta.

Cabdiraxmaan Maxamed Abtidoon, waa qoraa iyo weliba cilmi-baare Afka iyo dhaqanka Soomaalida, waxa uu ka tirsan yahay xarunta Cilmi-baarista Soomaalida ee Jaamacadda Rome, waxa uu u warramay Suheyba Maxamed Badqas.