Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dalxiiska Senegal oo hoos u dhacay

Dalxiiska ayaa ahaa isha labaad ee dakhliga ugu badan uu kasoo galo dhaqaalaha dalka Senegal, balse waxa uu aad hoos ugu dhacay sanadihii dambe.

Sababaha ugu weyn ee keenay hoos u dhacaasi ayaa waxaa ka mid ah xasilooni darrida ka jirta dalka Mali ee deriska la ah Senegal, iyo cudurka Ebola ee saameeyay saddex dal oo ku yaalla Galbeedka Afrika.

Inkastoo dowladda dalkaasi ay rajeyneysa in ay laba laabto tirada dalxiisayaasha marka la gaaro sanadka 2023-ka, ayaa haddana dadka qaar ay ku doodayaan in markii hore looga baahnaa badbaadinta waaxda dalxiiska.

Waxaa warbixintan kasoo diray magaalada Saly, weriyaha BBC Abdourahmane Dia, waxaa soo jeedinaya Farah Lamaane.