Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dadaalo loogaga hortagayo in dhalinta ay ku biirto kooxaha xagjirka oo Mareykanka ka soconaya

Waxaa waddanka Mareykanka looga dhawaaqay lacag gaadhaysa hal milyan oo doolar oo wax loogu qabanaayo dhalinyarada Soomaliyeed si aanay ugu biirin ururada xagjirka ah.

Arrintan ayaa timid kaddib markii ay soo baxeen dhalinyaro looga shakiyay in ay ku biiraan Kooxda Dowladda Islaamiga ah, hasayeeshee qaar ka mid ah Soomaalida Mareykanka ayaa arrintaa walaac ka muujiyay.

Haddaba weriyaha BBCda ee Mareykanka, Maxamed Xaaji Xuseen (Shiine), ayaa arrintaasi dood gaaban uga qabtay, Cabdi Warsame oo ah gudoomiyaha degmada lixaad ee magaalada Minneapolis, Cabdisalaam Shariif Aadan oo ka tirsan masjidka Darul-hijra iyo Jibriil Afyare oo ka mid ah madaxda bulshada Soomaaliyeed ee magaaladaasi, waxa uuna ku hormaray Cabdi Warsame oo uu ugu horrayn waydiiyay bal in uu ka warramo micnaha ay barnaamijyadani u leeyihiin bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka ama Mareykankaba.