Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waddooyinka Minneapolis oo magacyo Soomaaliyeed loo bixiyay

Xalay waxaa magaalada Minneapolis ee wadanka Maraykanka si rasmiha looga furay waddooyin loogu magacdaray Somali Street, Oromo steet iyo Taleex Avenue.

Waddooyinkani oo laga furay xaafada Lixaad ee magaalada Minneapolis, ayaa furitaankooda waxaa ka qayb qaatay mudanayaasha laga soodoorto deegaaka iyo dadwayne fara badan oo ka tirsan qowmiyadaha Soomaalida iyo Oramada.

intii ay socotay xaflada daahfurka waddooyinkani , ayaa waxaa la xiray Jidadka waaway ee xaafadda, waxaana la ciyaarayay music-ga Somalida, Oramada iyo American-ka.

Haddaba waxaa goobtaasi joogay wariyaha BBC-da Mohamed Haji Hussien wuxuuna ka waramayaa sidii ay wax u dhaceen.