Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxaa looga hadli doonaa kulanka wadatashiga ee Muqdisho?

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'iisul Wasaarihiisa Cumar Cabdirashiid Sharma'arke, ayaa magaalada Kismaayo kaga dhawaaqay in bishan 20-keeda ay magaalada Muqdisho ka bilaaban doonaan kulama ay ku sheegeen wadatashiga hannaanka doorashada iyo aayaha siysaasadeed ee Soomaaliya ee sannadka 2016.

Haddaba shirkaasi iyo waxyabaha lagu heeshiiyay kulankii Kismaayo ayaa waxaannu ka wareysannay, Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya, Daauud Aweys, oo khadka taleefanka ugu warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.