Migrants
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Yurub oo ku heshiin la' xal u helidda arrinta muhaajiriinta

Wasiirrada Midowga Yurub oo kulan ku lahaa Brussels ayaa ku guul darraystay in ay go'aan mideysan ka gaaraan qorshe muran ka taagnaa oo ku saabsan in dib u dejin loo sameeyo 120,000 oo muhaajiriin ah, ayadoo la raacayo tirada ama qoondada dalalka xubnaha ka ah midowga Yurub.

Luxembourg iyo Jarmalka waxay sheegeen in aqlabiyadda dalalku ay ku heshiiyeen mabda' ahaan, laakinse faahfaahinta ay tahay in la sugo ilaa iyo kulanka kale ee dhici doona October.

ku xigeenka madaxa guddiga midowga Yuurb Frans Timmermans, ayaa qiray in wada xaajoodku uu aad u adkaa isla markaana loo baahan yahay mowqif mideysan.

Dhanka kale, sharci cusub ayaa ka dhaqan galay dalka Hungary, kaasi oo booliska u ogolaanaya in ay xiraan isla markaana dacwad ku soo oogaan muhaajiriinta dalka ku soo galaya sida sharci darrada ah.

Booliska ayaa sidoo kale xiray qad tareen oo muhiim ah oo tobonaanka kun ee qof ee muhaajiriinta ahi ay yurub ka soo gali jireen dhanka Serbia.

Haddaba kumannaanka qof ee maalinkastaa ku qulqulaya Yurub waxaa ugu badan dad ka cararaya colaadaha Suuriya, laakiin waxaa jiro Somali badan oo iyaguna gaaraya Yurub.

Axmed Adan Cali waxa uu ka mid yahay dadka isbuuc ka hor Giriigga gaaray, waxa uu u warramay Axmed Xaji Xasan