Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxaa guurka qaali ka dhigay: Dood dhemartay wiil iyo gabar guur doon ah

Beryahan danbe waxaa magaalada Hargeysa ka socotay dood ku saabsan sidii loo yareyn lahaa kharashka badan ee ku baxa xafladaha arooska iyo aqal galka, isla markaana dhalinyarada loogu fududeyn lahaa guurka.

Arrintaasi ayaa xataa looga hadlay khudbadaha masaajida qaarkood.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa doodan dhex dhigay Cabdifitaax Cabdillaahi Jaamac iyo Rooda Maxamed Xuseen oo ah dhalinyaro jaamiciyiin ah, waxaa ku hormaraya Cabdifitaax oo ka hadlaya waxa ay doodoodu ku saabsan tahay.