Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Kalluumeysiga sharcidarada ee Soomaaliya

Waxaa shalay soo baxday warbixin sheegeysa in kalluumeysiga sharci darrada ah ee xeebaha Soomaaliya ay dakhli badan ka helaan maraakiibta kalluumeysigaasi sameeya.

Kalluumeysiga sharci darrada ah ayaa ku badan badda Puntland, waxaana taasi ay saamayn ku yeelataa kalluumeysatada Soomaalida ah.

Sharmaarke Maxamed Faarax waa agaasimaha machadka cilmi baarista iyo siyaasadaha ee Hayaan ee xaruntiisu tahay Garowe.

Waxa uu dhibaatada kalluumeysiga sharci darrada ah uga warramay Axmed Xaaji Xasan.