Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dowladda Soomaaliya oo Nairobi kula kulantay hay'ad ka tirsan Qaramada Midoobey

Dawladda Soomaaliya ayaa shalay magaalada Nairobi wadahadal kula yeelatay hay'adda UN HABITAT ee Qaramada Midoobey. Safiirka Somalia ee dalka Kenya danjire Jamal Xasan Maxamed oo kulanka u matalayey Soomaaliya ayaa hay'adda ka dhagaystay qorshayaasheeda Soomaaliya, wuxuuna uga warramay waxyaabaha ay dawladdiisu doonayso in wax laga qabto

Haddaba kulanka ka dib ayuu safiirku uga warramay Xasan-deeq Cabdullaahi Haybe wixii ay isla soo qaadeen hay'adda UN HABITAT.