Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Iskuulada Nuuradiin ee Hargeysa oo 20 jirsaday

Dugsiyada Nuuradiin oo ugu ballaaran dugsiyada gaarka ah ee magaalada Hargeysa ayaa u dabaaldegaya sanadguuradii 20-aad. Waxaa aasaasay Macallin Mahad Ibraahim Maxamed oo sheegay inuu ka bilaabay sanaddii 1995 hal fasal oo 8 arday oo keli ah dhiganayeen , fasalkaasoo aan lahayn xilligaasi sabuurad iyo kuraas toona.

Dugsiyada hoose/dhexe iyo sare ee nuuradiin waxaa dhigta haatan 21 kun oo arday . Haddaba macallinkaasi da'da yaraa ee Mahad Ibraahim Maxamed siduu guushaasi ku gaadhay iyo yoolkiisa mustaqbalka waxaa ka wareystay weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige