Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maraykanka: Assad miiska wadahadalka hala keeno

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, John Kerry ayaa sheegay in loo baahan yahay wadahadallo degdeg ah oo lagu soo afjaraayo qalalaasaha Suuriya.

Mr Kerry waxa uu tilmaamay inuu rajeynaayo in Ruushka iyo Iiraan ayagoo adeegsanaaya galaangalkooda in ay Bishar Al-Asad ay miiska wadahadalka keenaan. Wuxuuna ka dhawaajiyay in ay suuragal tahay in Mr Asad uusan is casilin.

Dr Sacad Sheekh Cusman oo ku sugan marayknaka ayaan arintaasi ka waraysanay.

Axmed Xaaji Xassan ayuu u waramay oo marka hore weeydiiyay in Iran iyo Ruushka ay suurtagalin karaan iyo in kale in Assad uu miiska wadahadalka yimaado.