Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xoolaha Somaliland laga dhoofiyo xiliga xajka

Iyadoo sanad walba xilliga xajka xoolaha Soomaalida oo aad u tiro badan laga dhoofiyo dekedda berbera oo Sacuudi Carabia la geeyo, ayaa xilligan xajka ee bilaha August iyo september oo keliya waxaa laga dhoofiyay dekedda Berbera hal milyan iyo todoba boqol oo kun oo neef oo adhi ah.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed saciid Cige ayaa tegay sayladda wayn ee xoolaha ee magaalada Hargeysa lana hadlay dhinacyada ku lug leh ganacsiga xoolaha.