Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Mucaaradka Kenya oo dibadbax ku taageeraya macallimiinta

Isbahaysiga ugu weyn mucaaradka Kenya ee CORD ayaa waxa uu qorshaynayaa in maanta uu ka qeyb qaato isu soo bax ballaaran oo lagu wado in uu ka dhaco fagaaraha xorriyadda ee magaaladatan Nairobi.

Isu soo baxa ayaa isbahaysigu waxa uu ku muujinayaa taageerada uu u hayo shaqo joojinta ay muddada 4-ta todobaad ah wadeen macalimiinta Kenya.

Xildhibaan Cabdullaahi Diiriye Dhakalow oo laga soo doorto Koonfurta Wajeer, waxa uu ka mid yahay xildhibaanada isbahaysiga mucaaradka ee CORD, waxa uu u warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare, oo marka hore waydiiyay, maxay tahay ujeedka isu soo baxa ay u qabanayaan?