Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Muran ka dhashay in Kagame uu markale isasoo sharaxo

Maxkamadda Sare ee dalka Rwanda ayaa maanta waxa ay dhageysanaysa dacwad uu soo gudbiyey xisbiga ugu weyn mucaaradka dalkaas, taasi oo ay kaga soo horjeedaan tallaabada loogu ogolaanayo madaxweyne Paul Kagame inuu u tartamo qabashada xilka madaxtinimada mar saddexaad.

Xisbiga the Democratic Green Party ayaa waxa uu ka soo horjeedaa isbadelka lagu sameeyay qodobka 101 ee dastuurka Rwanda, kaasi oo xilliga madaxweynaha ku koobaysa laba jeer oo kaliya.

Si aan waxbadan uga fahanno muranka ka taagan musharaxnimada Kagame ayaa waxaan ka wareystay Dr Ibrahim Faarax Bursaliid oo ka faallooda arrimaha caalamka.