Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Daawo: Fadeexo ku soo baxday baabuurta Volkeswagen

Sharikadda sameysa baabuurta Volkswagen waxay qiratay inay 11 milyan oo ah baabuurta naftada ku socota ay caalamka oo dhan ku xireen qalab qarinayay qiiqa dhabta ah ee baabuurta ka baxa markii tijaabada laga qaadayay.

Volkswagen waxay lumisay in kabadan sodon boqolkiiba sicirka suuqyada saamiyaheeda caalamka muddo laba maalmood ah fadeexaddan awgeed.

Wasiirka gaadiidka ee Jarmalka, Alexander Dobrindt, waxaa uu sheegay in baaritaan uu socdo Volkswagen-na ay si dhow ula shaqeynaso mas'uuliyiinta.