Adeegsiga shamiitada Shiinaha

Isticmaalka Shamiitada iyo doofaarka, oo muujiyay isbadalada waawaynee Shiinaha Markii madaxwaynaha Shiinaha Xi Jinpin ayaa booqanaya Maraykanka todobaadkan. Wuxuu noqon doonaa kulan dhexmara labada quwadood ee dunida ugu awoodda badan. Hadana, marka lala barbardhigo Maraykanka, dhaqaalaha Shiinaha ballaarashadiisa wuxuu ahaa mid deg deg ku socday. Waxay keentay magaalayn aad u xoog badan, taasoo horseedday tobanaan milyan oo shaqaale miyiga deganaa ay magaalooyinka u soo shaqo tagaan. Tani waa sheekada isbadalka xoogga leh ee shiinaha, sawirro, muuqaallo socda iyo video. Xarumaha magaalooyinka ka badan milyan qof ku noolaayaan 1970-2030.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, tiro magaalooyinka Shiinaha ee dadkoodu ka badan yihiin 1 milyan ama ka badan, ayaa ka tagay 16 sanadkii 1970 oo ay gaareen ilaa 106 sanadka 2015.

Waxay u dhigantaa 45 Maraykanka iyo ilaa 55 oo Yurub ah.

U baahan shamiito

Muhaajiridda wayn ee Shiinaha waxaa daba socday koror xoog ku socda ee dhinaca dhismaha ah.

Balse inkastoo guryo la dhisayo, macnuhu ma aha in dad ay degan yihiin, qaar badan oo ah magaalooyinka cusub, deegaanada iyo xarumaha ganacsi ee la dhisay way maran yihiin, waxayna kasbadeen magaca ah "magaalooyin aakhiro.