Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaali ku waxyeelowday shilkii Xajka

Mas'uuliyiinta Sucuudiga ayaa waxa ay iska difaaceen dhaleecayn loo soo jeediyay oo aheyd in ay iyagu ay mas'uul ka yihiin musiibada ka dhacday Xajka, taasi oo ay ku dhinteen in ka badan 700 oo qof.

Wasiirka caafimaadka ee Sucuudiga ayaa bayaan uu soo saaray waxa uu ku sheegay in musiibada ka dhacday daafaha magaalada Makah, ayaa suuragal tahay in ay ka dhalatay xujeyda oo ka dhaga adeegay in ay raacaan nidaamka rasmiga ah ee meesha u degsan.

Haddaba weriyaha BBC Cabdifitaax Ibraahim Cagayare ayaa khadka telefoonka kula hadlay Cabdullaahi Sheekh Doon oo ka mid Soomaalida ka soo xajisay Soomaaliya.