Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qorshaha UN ee hormarinta dunida 15 sano gudahood

In kabadan 150 ka tirsan hogaamiyeyaasha caalamka ayaa maanta ku kulmaya xarunta Qaramada Midoobey ee New Nork, halkaasi oo ay uga qayb galayaan shir ku saabsan horumarka.

Madaxdani ayaa ansixin doono hiigsi cusub oo dhanka horumarka ah oo gogol-xaar u noqon doono tallaabo ay beesha caalamka iyo dowladuhuba ay 15 sano kaddib ku cirib tiraan saboolnimada.

Haddaba suurtagal ma tahay in madaxa caalamka ay muddadaasi ku cirib tiraan saboolnimada? Su'aashaasi iyo kuwo kale ayuu Xasan Cali Geele weydiiyay Prof Hussein Ahmed Warsame oo ah aqoon yahayn culuunta dhaqaalaha ka dhiga jaamacadda Calgary ee dalka Canada.