Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dad ehelladooda weli raadinaya kaddib dhimashadii xajka

Waxaa weli jiro dad baadi goobaya ehaladooda lagu waayay musaabadii ka dhacday Xajka ee ay ku dhinteen 717 qof.

Dadka eheladooda la' qaar ka mid ah waxa ay ku nool yihiin magaalada Gaarisa ee gobolka waqooyi bari ee Kenya.

Arrintan ayaa imaaneyso iyadoo wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ay xaqiijisay in saddex ka mid ah muwaadiniinteeda ay ku geeriyoodeen isbuurashadii ka dhacday Jamaraadka.

Weriyaha BBC-da Bashkas Jugsoodhacay ayaa warbixintan ku eegaya arrimahaasi.