Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Macallimiinta Kenya oo "sii wadaya" shaqa joojinta

Ururka Midowga Macallimiinta Kenya ayaa sheegay in ay ka go'antahay in uu sii wado shaqa joojinta inkastoo ay maxkmad amar ku bixisay in ay soo afjaraan.

Shaqa joojinta macallimiinta ayaa waxa ay socotay muddo bil ah, waxa ayna cuuryaamisay waxbarsahada 12 milyan oo carruur ah.

Dawladda waxa ay sheegtay in ay iskuulada dib u furmayaan maalinta berita ah, balse macallimiinta ayaa sheegay in aysan fasalada ku noqon doonin.

Ibrahim Maxamed Catoosh waa xoghayaha ururka macallimiinta Kenya xafiiskiisa degmada Gaarisa.

Bashkas Jugsoo dhacay ayaa waydiiay sababta aysan u fulinayn go'aanka maxkamada ka soo baxay.