Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Hormarinta dumarka Soomaaliya

Yoolalka 17 ka ka kooban ee Qaramada Midoobey ay dooneyso in caalamka laga hormariyo 15-ka sano ee soo socota, ayaa waxaa ka mid ah awood siinta dumarka.

Qaramada Midoobay ayaa dooneysa in dumarka laga hormariyo dhanka dhaqaalaha, dhaqanka iyo doorka ay siyaasada ku yeelanayaan.

Sidoo kale waxaa la doonayaa in laga hortago dhibaatooyiinka ay la kulmaan dumarka sida gudniinka fircooniga iyo tacadiyada kale.

Haddaba Soomaaliya sidey ku hormarin kartaa haweenkeeda?

Sahra Axmed Kooshin, waa agaasime ku xigeenka mac-hadka cilmibaarista Soomaaliya ee SIDRA, waxa ayna u ololeysaa arrimaha dumarka. Axmed Xaji Xasan ayay arrintaasi uga warrantay.