Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Cawska sanaaciga oo lagu goglay garoonka Hargeysa

Garoonka kubadda cagta ee Hargeysa, oo muddo ka badan afartan sano jiray, ayaa markii ugu horeysay waxaa lagu goglay cawska sanaaciga ah, iyadoo laba toddobaad kaddib lagu qaban doono tartanka ciyaaraha ee gobollada Somaliland wareegiisa labaad.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige oo tegay garoonkaasi ayaa kula kulmay Xasan Waraaba-cadde oo ahaa ciyaartoy hore oo caan ahaa ee kubadda cagta.