Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Khilaafkii macalimiinta iyo dowladda Kenya oo waji cusub galay

Ururada macalimiinta dalka Kenya ayaa sheegay in aysan u hoggaansami doonin go'aan ay dhawaan soo saartay maxkamad oo ku amartay in macaliniinta ay maanta oo Isniin ah dib ugu laabtaan shaqada.

Maxkamaddu waxa ay ku amartay macalimiinta in ay muddo 90 cisho ah hakiyaan shaqa joojinta socotay mudada ku dhaw bisha, iyadoo dowladuna ay shaacisay in iskuulada dib loo furi doona maanta.

Balse ururada macalimiinta ayaa baraha ay bulshadu ku wada xiriirto waxa ay ku baahiyeen fariimmo ay ugu baaqayaan macalimiinta in aysan xaadirin iskuulada ilaa iyo amar dambe.

Haddaba hadaladan isdiidan sidey u arkaan waalidiinta? Waxaannu arrintaa ka wareysannay Cumar Jibriil Xuseen, oo deggan magaalada Wajeer, waxa uu khadka taleefanka ugu warramay weriyaha BBCda, Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.