Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxaa looga hadlayaa shirka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya?

Waxaa lagu wadaa in maanta magaalada New York ay ku kulmaan 150 hogaamiye oo ka kala socda in ka badan afar meelood saddex meel wadammada dunida, si ay uga qeyb qaataan furitaanka shirweynaha 70-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Haddaba kulankaasi waxaa ka soo hormaraya shir gaar ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ay wadajir u shir gudoomin doonaan madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon.

Haddaba shirkaasi gaarka ah waxyaabaha looga hadlayo ayaa waxaannu ka wareysannay Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, Daauud Aweys, oo khadka taleefanka ee New York ugu warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.