Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Daraasad laga sameeyay gabdhaha dada yar ee Wajir

Dalka Kenya baritaan maanta shaac laga qaaday ayaa waxa uu muujinayaa in gabdhaha qaan gaarka ah ee ku nool degmada Wajir, iyo xaafada isku raranta Kibera ee magaalda Nairobi, ay wali dhibataooyin baaxad leh ay ka haystaan dhinaca waxbarashada iyo caafimaadka.

Daraasadan oo ay samaysay hay'adda Adolescent Girls Initiative Kenya ayaa waxa ay sheegtay in afartii gabdhoodba mid ka mid ah aysan tagin iskuulaadka.

Waxaan arrintaas ka waraysanay guddoomiyaha deegaanka Wajir Axmed Cabdullahi oo ku sugnaa xarunta maanta lagu shacaiyay warbixintan.

Waxa uu u waramay Cabdinur Macallin Aden oo ka tirsan laanta Sawaaxiliga ee BBC-da.