Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxaa ka soo baxay shirkii gaarka ahaa ee Soomaaliya?

Waxaa goordhaweyd la soo gebagabeeyay shirkii gaarka ahaa ee looga hadlayay arrimaha Soomaaliya ee barbar socday shirweynaha Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Wadahadalka ayaa diiradda lagu saaray geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya, siyaabaha si guud loogu wajahayo khatarta Al-Shabaab, xaaladda bini'aadminimo ee aan deganayn, iyo wadada soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya.

Haddaba shirkaasi waxaa si dhaw ula socday oo daqiiqada ka hor warbixintan inooga soo diray, weriyahayaga Mareykanka, Maxamed Xaaji Xuseen Shiine.