Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Puntland oo diyaar u ah in ay qaabisho maxaabiista burcad-badeeda

Todobaadkii la soo dhaafay dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay ka codsatay dowladda Kenya in ay ku soo wareejiso ku dhawaad 100 Soomaali ah oo burcad badeednimo ugu xiran xabsiga Shimo La Tewa ee magaalada Mombasa.

Maxaabiistaasi ayaa haddii ay Kenya ku wareejiso Soomaaliya waxa ay xabsigooda ku dhameysan doonaan xabsiga magaalada Garoowe ee loogu talagalay in lagu xiro oo lagu dhaqan celiyo Soomaalida burcad badeednimada ugu xiran in ka badan 20 dal oo ku yaal dunida.

Haddaba xabsigaasi ma qaabili karaa maxaabiista intaa la eg? Ma leeyahayse tas-hiilaad ku filan oo la mid ah midka ay maxaabiista ku helaan meelaha kale ee ay ku xiran yihiin? Su'aalahaas iyo kuwa kalaba waxaannu waydiinay Agaasimaha Hay'adda Ladagaalanka Burcad badeedda ee Puntland, Cabdirisaaq Maxamed Diiriye (Ducaysane) oo u warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.