Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Itoobiya oo bilowday howlgallo ay ku baacsanayso dadka ka shaqeeya tahriibka

Iyadoo waddamada reer Yurub ay la daalaa dhacayaan dhibaatada muhaajiriinta ayaa dowladda Itoobiya waxa ay sii xoojisay hawlgallada ka dhanka ah kooxaha dadka tahriibiya oo ay ku eedeysay in ay khiyaanayaan dadka isku dayaya in ay dibadda ka helaan noolal wanaagsan.

Dowladdu waxa ay sheegeysaa in ay xirtay in kabadan 200 oo qof oo ah kuwa dadka tahriibiya, waxa ayna billowday barnaamijyo dadka looga wacyi gelinayo halista tahriibka.

Tallaabadaasi dowladda ayaa ka dambeysay kaddib markii bishii April kooxda Dowladda Islaamiga ah ay Liibiya ku dishay 30 qof oo masiixiyiin Itoobiyaan ah.

Weriyaha BBC-da Emmanuel Igunza ayaa warbixintaan ka soo diray magaalo ku taalla xuduudda Sudan iyo Itoobiya oo caan ku ah kooxaha dadka tahriibiya, waxaana warbixintiisa soo jeedinaya Xasan Cali Geele.