Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waa maxay ujeedka dhabta ah ee Ruushku uu ka leeyahay Suuriya oo uu dagaalka ugu biiray?

Mareykanka iyo Ruushka ayaa ku heshiiyay in ay isla socdaan dadaaladooda milateri ee gudaha dalka Suuriya.

Heshiiskan ayaa looga dhawaaqay war saxaafadeed ay wadajir ugu qabteen magaalada New York Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov iyo Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, John Kerry.

Arrintan ayaa timid maalin un kaddib markii uu Ruushka Suuriya ka gaystay weerraradii cirka ee ugu horreeyay.

Taasina waxa ay keentay in Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka, Ash Carter, uu si xooggan u dhaleeceeyo duqeymahaasi Ruushka ee uu ka gaystay gudaha Suuriya, isagoo sheegay in duqeymahaasi ay u muuqato in laga gaystay dhul aysan maamulin kooxda Dowladda Islaamiga ah.

Carter ayaa arrintaasi ku tilmaamay in qorshaha Ruushka uu la mid yahay in baasiin lagu shubo dab holcayay.

Haddaba maxay tahay ujeedada dhabta ah ee Ruushku uu ka leeyahay Suuriya oo uu dagaalka ugu biiray? Su'aashaasi iyo kuwa kale ayaannu u bandhignay Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed (Banaadiri), oo ka faallooda arrimaha ammaanka, waxa uu u warramay weriyaha BBC-da Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.