Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Olole lagu xakameynayo cudurka Kansarka oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Olole wacyi gelin ah oo ku saabsan cudurka kansarka ayaa laga bilaabay maagalada Muqdisho, kaddib markii koox dhakhaatiir ah ay uga dhawaaqeen magaalada Ururka Kansarka Bulshada Soomaaliyeed.

Ujeedkana waxaa lagu sheegay sidii bulshada Soomaaliyeed loogaga wacyigelin lahaa dhibaatada cudurka kansarka, iyo in uu dalka ku sii kordhayo.

Ololahan ayaa qeybtiisa hore waxa baraarujin loogu sameeyay dhakhaatiirta ka howlgasha magaalada Muqdisho iyo xubno ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada.

Haddaba ololahan cusub ayaa waxaannu ka waraysannay, gudoomiyaha Ururka Kansarka Bulshada Soomaaliyeed (Somali Cancer Society), Dr Maymuun Cabdi Geelle, oo u warrantay weriyaha BBC-da ee Muqdisho, Ibraahim Maxamed Aadan.